Heemaal News Network
somali

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo ka Hadlay Colaada ka Taagan Duleedka Beledweyne.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen oo Galabta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa ka hadlay Colaad beeleedyadii dhawaan ka dhacay degaano ku yaal duleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Cali Guudlaawe oo Warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamay duleedka magaalada Beledweyee, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay inay nabad iyo xasilooni ku wada noolaadaam.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Maamulka Hir-Shabeelle uu Gogol Nabadeed uu u fidin doono Beelaha ku dagaalamay duleedka Magaalada Beledwyene si xal looga gaaro Colaada oo ah mid soo laab laabatay.

Dagaalkii ka dhacay duleedka Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana maamulka Hir-Shabeelle uu kala dhex-dhigay ciidamo farabadan.

Related posts

Deegaanada ay Maamulaan Alshabaab Oo si Wayn Looga Ciiday.(Sawiro)

Heemaall

Wasiir Cali Mareexaan Oo ka Hadlay Xilka loo Magacaabay Iyo Taafeerida Xisbiga Kulmiye

Heemaall

Kenya Oo Baaritaan ku Samaysay Qaabkii loo Dilay Bashir Maxamed Gaboobe.

Heemaall