Heemaal News Network
somali

Madaxweynaha Itoobiya Oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoontay Danjiraha Somaliya.(Sawirro)

Madaxweynaha Dawladda Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoontay Danjiraha cusub ee dowlada Soomaaliya u fadhin doona dalka Itoobiya Ambassador Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir.

Munaasabad kooban oo ka dhacday madaxtooyada Itoobiya ayaa danjiraha Soomaaliya u fadhin doona magaalada Adis Ababa looga gudoomay aqoonsiga safiirnimo, waxaana munaasabada ka qeyb galay masuuliyiin katirsan dowlada Itoobiya.

Safiirka cusub ee dowlada Soomaaliya u fadhiya Itoobiya ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Itoobiya sida ay usoo dhaweesay, waxa uuna gaarsiiyay dhambaal salaan ah uu ka waday Madaxweyne Farmaajo.

Dowladaha Soomaaliya ayaa is dhaafsaday safiiro cusub, waxaana dhawaan Madaxweyne Farmaajo dhankiisa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee dowlada Itoobiya u fadhin doona Soomaaliya.

Related posts

Sirdoonka Mareykanka Oo Sheegay In Afghanistan Ay ka Halis Badan-yihiin Somaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq

Heemaall

Qareenada Somaliland Oo Ka Hadlay Go’aanka Maxkamad Sare ku Laashay Dacwadihii Musharaxiinta.

Heemaall

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun ku Riday Askari Dilay Taliyihiisa

Heemaall