Heemaal News Network
somali

Madaxweynaha Jubaland Oo Amar Dul-dhigay Golaha Wasiirada Cusub.(Sawiro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo ah kii ugu horeeyay kadib magacaabistii golaha Xukuumada.

Madaxweynaha ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay inay shaqadooda u gutaan sida ugu haboon, iyadoo wasaarad walba ay xooga saarayso shaqada u gaarka ah isla markana ay xoojinayso shaqooyinka kala dhexeeya wasaaradaha kale.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in hufnaanta shaqada ay tahay mid lagu qiimayn doono wasaarad walba isla markana isla xisaabtanka Iyo dabagalka wasaaradaha ay noqon doonan kuwo joogta ah.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in shaqada shacabka loo hayo ay u baahan tahay dulqaad iyo samir, waxaa Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in qof walba oo katirsan bulshada ay tahay in loogu adeego hanaan hufan oo shaqo wanaag ay ka muuqato

Gaba gabadii waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Xukuumadan cusub ay shaqooyin baaxad leh u yaalan taas oo u baahan dhiiranaan iyo ka go’naasho shaqo.

Related posts

Rasaas ka Socota Xabsiga Dhaxe Ee Hargaysa

Heemaall

Itoobiya Oo ka Hadashay Rabshado Maanta ka Dhacay Salaadii Ciida Ee Adis Ababa

Heemaall

Cali Xaamud Jibriil Oo ka Hadlay Guusha Doorashadii Shir-gudoonka.

Heemaall