Heemaal News Network
somali

Madaxweynaha Jubbaland Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka Ee AFRICOM.(Sawiro)

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo sarakiil kale.

Kulanka oo ka dhacay aqalka madaxtooyada, ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab iyo tageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo beegmay labo maalin kadib markii Maraykanku duqayn ka geystay gobolka Gedo, isagoo ku bartilmaameesaday saldhig Shabaab ku lahaayeen deegaanno ku dhow Garbahaarey.

Howlgalka Africom ayaa Jubbaland ka taageera tababarka ciiddanka NISA ee Jubbaland iyo dagaalka dhinaca cirka ah ee qeybta ka ah howlgallada Alshabaab looga xorraynayo Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland waxay ka mid tahay meelaha ay saldhigyada ku leeyihiin ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah AFRICOM.

Related posts

Ciidamada Israel oo markale Maanta Duqeyn ku Bilaabay Marinka Gaza.

Heemaall

Sarkaal Booliis Somali Kenyan ah Oo Lagu Afduubtay Magaalada Nairobi.

Heemaall

Dadwaynaha Muqdisho Oo Artiyo kala Duwan ka Dhiibtay Khilaafka Farmaajo Iyo Rooble.

Heemaall