Heemaal News Network
somali

Madaxweynaha Kenya Oo ku Dhawaaqay Feejignaan Amni.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in sare loo qaado feejignaanta xaga amniga ah ee gudaha dalkaasi Kenya.

Kulan uu Maanta la yeeshay Uhuru Kenyatta Gollaha Amniga Qaranka ayuu faray hay’adaha ammaanka inay sare u qaadaan feejignaanta iyo ka warhaynta “dhibaatooyinka amni ee ka socda gobolka.

Kenyatta ma uusan sheegin haddii ay jirto khatar gaar ah balse wuxuu soo saaray awaamiirta la xiriira dhanka amniga.

Dalka Kenya oo kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro khasaaro geystay oo mas’uuliyadooda sheegteen Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Related posts

Xisbiga Wadani Oo ka Hadlay Siyaasiyiin ka Xirnaa Oo Maxkamada la Horkeenay

Heemaall

Milatariga Somalia Oo Fuliyay Hawlgalo Qorshaysan

Heemaall

Beerta kobcinta Dhirta Iyo Dabiiciga Oo Somaliland Laga Hirgalinayo.

Heemaall