Heemaal News Network
Caalamka

Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Ku Dhawaaqey Xaalad Deg Deg Ah

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika m ayaa ku dhawaaqay in uu dalkaasi gali doona xaalad deg deg muddo 21 maalmood ah sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Go’aankaan ayaa dhaqan geli doona laga bilaabo maalinta khamiista ah ee soo socota ilaa 15 bisha April.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay kaliya inay furnaan doonaan Isbitaalada,Farmashiyeyaasha iyo meelaha lagu iibyo cuntooyinka si loo yareeyo Cudurka Coronavirus.

Tallaabadaan ayaa waxaa ay saameyn ballaaran ku yeelan doontaa dad badan oo ay Ganacsato ku jiraan,waxaana la xadidi doonaa dhaq dhaqaaqa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More