Heemaal News Network

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo kala Hadlay Deni Iyo Axmed Madoobe Xalinta Khilaafka Doorashada

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed ( laftaagreen) ayaa bilaabay dadaalkiisa ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay.

Madaxweyne laftaagreen oo shalay ku laabtay Baydhabo maalmo uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynayaasha Maamulada Puntland & Jubbaland.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Koonfur galbeed uu ka dalbaday Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland inay soo magacaabaan guddiyada doorashada Heer Dowlad goboleed kadibna laga wada hadla xal u helista khilaafka doorashada.

Majirto jawaab rasmi ah oo Madaxweynayaasha jubbaland & Puntland ay dalabkaasi ka siiyeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed, hayeeshee ay xusid mudan tahay in dalabkaas uu Madaxweynaha Puntland horay uga diiday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay ku kulmeen Garoowe.

Madaxweynah Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa horay u waday dhex-dhexaadin ku saabsan arrimaha muranka doorashada, hayeeshee uu sheegay in dhankooda uu ka socon waayay Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland wallow ay beeniyeen.

Muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli taagan, waxaana dhowr jeer fashilmay isku dayo la doonayay in lagu xaliyo,waxaana xubnaha Midowga Musharixiinta & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay si cad uga soo horjeesteen guddiga doorashooyinka dadbadan oo ay sheegeen inay kujiraan Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha dowladda.

Related posts

Wariyihii Universal Tv Ee Borama Oo Hada Xabsiga loo Taxaabay.

Heemaall

Maxaa Sababay In Garoonka Diyaaradaha Garoowe Uu Xirnaado Maalintii 4-aad.?

Heemaall

Ganacsatada jaadka Ee Kenya Oo Codsi U Diray Madaxweyne Farmaajo

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More