Heemaal News Network

Madaxweynaha la Doortay Ee Mareykanka Joe Biden Oo Dhaawacmay

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden ayaa la sheegay inuu ka murgacday lugta xilli uu la ciyaarayey mid ka mid ah eydiisa.

Biden ayaa lagu soo warramayaa inay u baxday lugta oo uu dhulka ku dhacay xilli uu la ciyaarayay eyda uu dhaqdo.

Dhaktarkiisa gaark ah Kevin O’Connor, ayaa sheegay in raajo hordhac ah oo laga qaaday Biden aysan muujinin dhibaato weyn, iyadoo baaritaan kale oo la sameeyey ayaa lagu xaqiijijyey in laba laf oo yaryar ay ka jabeen bartamaha cagtiisa midig.

Madaxweyne Donald Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka Joe Biden rajeeyey Caafimaad deg-deg ah.

Mr Biden oo horraantii bishan noqday 78-jir ah, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da waynaa ee xilka ugu sarreeya dalkaas loo doorto, isagoo xafiiska la wareegi doona 20-ka bisha Janaayo ee sanadka soo aaddan.

Related posts

Xasan Sheekh Oo Muranka Doorashooyinka ka Taagan kala Hadlay Safiirka Ingiriiska.

Heemaall

Xiisad ka Taagnayd Magalada Beledweyne Oo Heshiis Hordhac ah Laga Gaaray.

Heemaall

Galmudug State Iyo Puntland Oo Go’aan Wada Jira Soo Saaray

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More