Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Xilkii ka Qaaday Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Jeff Sessions.

Madaxweynaha Maraykanka Dondld Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii guud ee Maraykanka Jeff Session.

Tallaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baarista Robert Mulleur, oo ah ninka baaraya xiriirka laga yaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dawladda Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta.

Mr. Sessions ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday.

Hadalkaas ayaa u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto, taas oo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Mulleur.

Trump halkaas kuma ekaan wuxuu isla markiiba magacaabay Xeer Illaaliyaha guud oo KMG ah, isagoo dhinac maray Kuxigeenkii Jeff Sessions ee mas’uulka ka ahaa baaritaanada socda Rod Rosenstein oo sharciyan ahayd inuu xilka sii hayo.

Wuxuu Trump u magacaabay Xeer illaaliyaha KMG ah Matthew G Whitaker oo xoghayn u ahaa Sessions ninkaasi oo xubin ka ahaan jiray Xisbiga Jamhuuriga ayaa kamid ah taageerayaasha Trump ee sida weyn uga soo horjeeday baaritaanka lagu wado Madaxweynaha.

© Heemaal News Netwok