Heemaal News Network

Madaxweynaha Peru Ee Xilka Hayey Muddo Todobaad ah Oo Is-casilay.

Madaxwaynihii ku meel gaarka ahaa ee dalka Peru Manuel Maerino ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaasi ka dagay ka dib wax ka yar todobaad oo uu hayay.

Arrintan ayaa timid kadib markii dibad baxayaal careysan ay iskugu soo baxeen wadooyinka waawayn ee dalkaasi, iyagoo dalbanaya inuu xafiiska baneeyo, waxayna ku eedeynayeen inuu horey dalkaas uga galay dembiyo iyo qaladaad badan.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay rabshadaha halka tobonaan kalana ay ku dhaawacmeen.

“Waxaan doonayaa in aan ogeysiiyo wadanka oo idil inaan is casilay” ayuu yiri Mr. Merino oo khudbad si toos ah uga jeedinayey Telefashinka, isagoo hadalkiisa sii raaciyay inuu dadka ugu baaqayo nabad iyo inay dib u midoobaan.

Related posts

Waa Kuma Joe Biden Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka?

Heemaall

Xassan Maxamuud: Soomaliya Waxaa Qabsaday Jabhado”Qofka Hargaysa Tagayaa Waa In Uu Is Dhiibo”

Heemaal

Puntland Maxaabiis Burcad Badeed ah ku Wareejinaysa Galmudug

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More