Heemaal News Network
somali

Madaxweynaha Puntland Oo Cafis U Fidiyay Maxaabiis

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 kuna saabsan Cafis Guud oo uu u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Sanad kasta marka la gaaro Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa dowladda Soomaaliya iyo dhamaan dowlad Goboleedyada dalka kajira waxaa ay cafis Madaxweyne u fidiyaan Maxaabiista u xiran dambiyada fudud, kuwaas oo la siidaayo.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Kordhinta Tababarada Ciidamada kala Hadashay Mareykanka.

Heemaall

Puntland Oo ka Maquuratay Go’aan Wada-jir ah Oo ay soo Saareen Maamul-goboleedyada.(Akhriso)

Heemaall

Boliiska Awdal Oo soo Bandhigay Hub iyo Maandooriye Badan Oo Lagu Qabtay Borama

Heemaall