Heemaal News Network
Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Oo Maanta si Rasmi ah U Diiwaangeliyey Urur Siyaasadeed

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyey urur Siyaasadeedka Kaah.

Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhoweeyay Guddoonka Ku meel gaarka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, Wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta.

Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay maanta xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah.

Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland waxaa uu ka mid ahaa qorsheyaasha Iyo Siyaasadda Madaxweyne Deni, waxaana ay dowladdu muddo 7bilood ah kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17 urur siyaasadeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More