Heemaal News Network
somali

RW Rooble Iyo Madaxda Galmudug Iyo Hir-Shabeelle Oo Kulan la Yeeshay Safiirka Maraykanka.(Sawiro)

Magalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug & Hir-Shabeelle.

Kulanka oo uu ku wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa waxaa looga hadlay dardargalinta hanaanka Doorashooyinka Dalka ee dhawaan lagu heshiiyay.

Sidoo kale kulankaan waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga iyo saameeynta la dhalatay Fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka geystay degaannada Maamulka Hir-Shabeelle.

Warraka kulanka laga helay ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye laga dalbaday in uu soo dhameystiro Xubnaha Guddiga doorashooyinka maadaama maamulada kale ay soo Magacaabeen.

Related posts

Jabuuti Oo Ganaxsatada Usoo Bandhigtay Saami Shirkadeyd Oo Iibineyso

Heemaall

Jubbaland Oo Ka Soo Hor Jeestay Ka Qay Galka Doorashaada Cusub

Heemaal

Haween Ka Digay In Colaad Laga Abuuro Magaalada Muqdisho.

Heemaall