Heemaal News Network

Madaxweynaha Jabuuti Oo Kulmay Dhigiisa Faransiiska.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dalka Fransiiska kulan kula qaatay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas.

Labada madaxweyne waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo dhaqangelinta heshiis horey u dhexmaray Jabuuti iyo Faransiiska.

Dhanka kale, waxaa Paris ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda Jabuuti isla markaana lagu codsanayay in la sii daayo duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ku xiran Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Faransiiska ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas.

Related posts

Gudiga Doorashooyinka Itoobiya Oo Eedeeyay Maamul-goboleedyada.

Heemaall

Dawlada Oo Daahfuray Diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha(Sawiro)

Heemaall

Borama:-Faysal Oo Khudbad Xaasaasi ah ka Jeediyay Madal Lagu Shaacinayay Musharxiinta UCID.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More