Heemaal News Network

Madaxweynayaashii Hore Ee Beesha Hawiye Oo Shiray Caawa Magaalada Muqdisho

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Axmed ayaa caawa shir la yeeshay madaxweynihii hore ee soomaaliya Cali Mahdi.

Shirka ayaa looga hadlayay xaalada uu xiligan marayo dalka iyo muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Dhaq dhaqaaqan ayaa u muuqda inuu yahay mid dhoolatus, iyadoo muddo saacado ah ay ka harsan tahay muddo xileedki sharciga ahaa ee Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Golaha musharraxiinta mucaaradka ah ayaa ka digay in xukuumadda federaalka ay sameysato muddo kororsi, taasoo ay marar badanna ku celceliyeen in aysan aqbali doonin.

Related posts

Xaalada Dhaawacii Madaxa ka Gaaray Gool-hayihii Gobolka Sool Oo Laga Dayrinayo.

Heemaall

Isku-socodka Gaadiidka Ee Magaalada Boosaaso Oo la Hakiyay.

Heemaall

Trump Oo Waji Gabax Wayn Kala Kulmay Maxkamada Sarre Ee Maraykanka

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More