Heemaal News Network
Soomaaliya

Madaxweyne Al-Burhanka Sudan Oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Somalia.(Sawirro)

Madaxa Golaha siyaadada qaranka dalka Sudan Cabdifitaax Al-Burhaan ayaa maanta si rasmi ah Warqadihiisa aqoonsiga uga guddoomay danjiraha cusub ee Somalia Axmed Isxaaq Ibraahim.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Siyaadada qaranka dalka Sudan Cabdifitaax Al-Burhaan isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu noqdo Safiirka Somalia u fadhiya Sudan, isagoo balan-qaaday inuu ka shaqeyn doono xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.

Danjire Axmed Isxaaq Ibraahim ayaa ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan ku dhaqan iney si hagar la’aan ah ugala shaqeeyaan gudashada waajibaadkiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More