Heemaal News Network

Madaxweyne Biixi” Kenya Inay Somaliya noo Adeegsado kama Aqbaleynoa”

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa ka hadlay ujeedka safarka uu dalkaasi u tagay iyo kulamo uu la qaatay Madaxweynaha Kenya.

Muuse Biixi oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in dalka Kenya ku tagay martiqaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Kenya, waxa uuna xusay in socdaalkiisa salka ku hayo sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen arimo badan.

“Waxa aynu nahay labo dal oo jaar ah, Geeska Afrika ku wada yaalla, mid waliba uu kan kale u baahan yahay marka waxaan u imid in aan kobcinno wax wada qabsigayaga iyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, jaar wanaagga, nabadeynta Geeskan Afrika iyo caalamkaba,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kawada hadleen arimo dhoor ah oo labada dhinac muhiim u ah , waxa uuna tilmaamay in ay kawada hadleen danaha Somaliland iyo Kenya ka dhaxeeya.

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa meesha ka saaray in safarkiisa waxa xiligan kusoo beegay sabab u tahay khilaafka diblumaasiyadeed ee xiligan ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Xukuumada Nairobi dooneyso in Somaliland adeegsato.

”Soomaali ayaynu nahay, annagu waxaan isu qabnaa in aan nahay kuwii Soomaali meel ay joogtaba wax tari lahaa ee mooyaane aan wax yeeleyn iyo bani`aadamka kaleba, qofna ma rabno in aan dulmi ku sameyno. Waxa labada dal ka dhaxeeya haddii ay dhex gal waayeelnimo naga codsadaan, waynu kala dhex galeynaa, in aan xallino iyaga oo wada socda, haddii dal qura naga codsadana dhex geli meyno. Mid Kenya na, noo quuri meyso kana aqbali meyno, annaguna ma nihin dad loo adeegsado dad kale.” ayuu yiri Muuse Biixi.

Safarka Madaxweynaha maamulka Somaliland ku tagay dalka Kenya ayaa kusoo aadaya xili Dowlada federaalka Soomaaliya shaacisay in xiriirka diblumaasiyaeedd u jartay dowlada Kenya oo xiligan khilaaf xoogan kala dhaxeeyo.

Related posts

Alshabaab OO Daabacday Sawiradda Iyo Muuqaalo Weerarkii Manda Bay

Heemaal

Mudaharaad ka Dhan ah Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Dhacay Muqdisho

Heemaall

Dawlada Fadaraalka Oo Ka Jawaabta Daandaansiga Imaaratka

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More