Muuse Biixi Oo Siyaasi Ismaaciil Hurre BuubaaKa Qabtay Cv-giisa .(Sawiro)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay  siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo kamid ah siyaasiyiinta  xisbiga mucaaridka ah ee Wadani, haorayna uga soo diga rogtay dawlada fadaraalka Soomaliya.

Kulanka ayaa ku dhamaaday is af garad sida lagu baahiyey warbaahinta, inkasta oo aan la shaacin xogta kulankaa ayaa illo tibaaxayaan, in Buubaa u geeyey muuse Biixi Cv-giisa, isaga oo rajaynaaya in lagu soo daro xubnaha wasiiradda cusub oo la sugayo isku shaandhayntooda.

Horay ayay xisbiga Wadani u sheegeen in ay ka fiirsanayaan xubinimadooda, xubno ka tirsanaa xisbiga oo kulan la qaatay Biixi.

© Heemaal News Netwok