Heemaal News Network
somali

Madaxweyne Biixi Oo la Sheegay inuu Taageerayo Dagaalka Itoobiya Ee ka Dhan ka ah TPLF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi, ayaa lasoo tabiyay inuu taageero u muujiyay dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF, sida ay sheegtay Warbaahinta Fana ee ku hadashada afka dowladda.

“Waxaan garab taagan nahay ololaha badbaadada ah ee ay dowladda Itoobiya ka waddo waqooyiga dalkaas,” Fana ayaa soo xigatay hadalkaas oo ay sheegtay inuu yiri madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sida lagu soo warramay hadalkan ka sheegay kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar.

Labada hoggaaiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay sida loo ballaarin karo xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee u dhaxeeya labada dhinac.

Related posts

Madaxweyne Biixi Oo la kulmay Shir Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland.

Heemaall

Shiikh Shariif Oo U Digay Ciidamada Weli ku Hawlan Difaacaya Farmaajo.

Heemaall

Kenya Airweys Oo Iska Fogaysay In Ay Duulimaad Hargaysa Ah Bilaabayso

Heemaal