Heemaal News Network

Madaxweyne Biixi Oo Xafiiskisa ku Qaabilay Safiirka Czech Republic.

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Dalka Czech Republic Ee Fadhigiisu Yahay Addis-Ababa

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Amb. Jaroslav Zukersein oo safar ku jooga Somaliland.

Kulankaas waxa lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu warbixin mugleh ka siiyey weftiga, horumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay, inay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta dawladda iyo shacbigeeda oo heegan buuxa u ah inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan.

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimid Somaliland.

Related posts

Odey Da’ ah Gaajo iyo Haraad Ugu Geeriyooday Kaam ku Yaala Garoowe.

Heemaall

Turkiga Oo ku Gacan Seyray Go’aan kasoo Baxay Baarlamanka Midowga Yurub.

Heemaall

Somaliland Oo Shaacisay Shirkada ku Guulaysatay Keenista Qalabka Lagu Baaro Macdanta.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More