Heemaal News Network

Madaxweyne Deni Oo Amaro kusoo Rogay Bangiyada iyo Xawaaladaha ka Hawl-gala Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada heerarkeeda kala duwan, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.

Madaxweynaha oo hadal u jeediyay Bulshada ayaa aad u faahfaahiyey arrimaha la xiriira sicirka sarifka , cabashooyinka dowladda soo gaaray iyo go’aamada ay kasoo saartay dowladdu oo waxbadan xaaladda dejiyay.

Wuxuu Madaxweynuhu bulshada la wadaagay in maamulka go’aamisay in Bangiga Puntland, kuwa gaarka loo leeyahay iyo Shirkaddaha xawaaladaha la faray inay sameeyaan qeyb sarifta lacagaha.

“Laga billaabo berito Bangiga maamulka waxaan farayaa inuu Sarifo Doolarka, si dadka Shillin Soomaaliga u haysta uu doolar u siiyo, kuwa Doolarka watana uu Soomaali ugu bedelo, bangiyada kale ee gaarka loo leeyahay iyo shirkaddaha xawaaladaha iyagana waxaan faraynaa inay qeyb sarif sidaasi oo kale sameeyaan.” ayuu yiri Madaxweynaha

Sicirka sarifka iyo wadashaqeynta Bangiyada waxaa si dhow ula soconaya Hay’addaha ku shaqo leh oo Bangiga Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda u horeeyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ganacsatada iyo bulshada kale ee kulanka ka qeybgalay ayaa aad usoo dhoweeyay go’aanka Madaxweynaha, iyagoo uga mahadceliyay dadaalka dowladdu ku bixisay inay wax ka qabato cabashada la xiriirta sicirka sarifka lacagaha.

Related posts

Puntland Oo ka Hor-timid Shirka Farmaajo Caawa Iclaamiyay Ee Lagu Qabanayay Garawe.

Heemaall

Hogaanka Tigrey Oo Magacaabay Ergada Uga Qeybgeli Doonta Wada-hadallada.

Heemaall

Waraabe Oo Meel-dhimatay ku Tilmaamay Hargaysa Karbaashay-na Maayir Solteko

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More