Heemaal News Network
somali

Madaxweyne Deni Oo si weyn Loogu soo Dhaweeyay Muqdisho (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw soo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Siciid Deni iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano, saraakiil iyo masuuliyiin kale oo dowlada katirsan.

Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka Shirka wadatashi ee looga hadlayo dardargelinta Doorashadda, shirkan ayaa waxaa iclaamiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa horey usoo gaaray Madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaa iyana saacadaha soo aadan la filayaa in Muqdisho soo gaaraan madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.

Related posts

Saylici Oo ku Hanjabay Inay Dagaal la Galayaan Maan-dooriya

Heemaall

Daawo Xaalada Gagada Dayaaradaha Kabuul

Heemaal

Somaliland Oo Beenisay Inay Qaabilayso Qoxooti Reer Afghanistan ah.

Heemaall