Heemaal News Network
somali

Madaxweyne Deni Oo Taliyeyaal Cusub U Magacaabay Laamaha Amniga Puntland.(Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid iyo isku bedel Ciidan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi loo magacaabay Hogaanka Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Bari loo bedelay Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Nugaal.

Waxaa G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada loo wajeejiyey Taliska Ciidanka Booliska waxaana loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Related posts

Masar Oo ka Hadashay Shirkii Biyo-xireenka GERD Ee Itoobiya Oo Fashilmay Maanta.

Heemaall

Ina Cabdirashiid Oo Dhacdadii Boosaaso Dusha ka Saaray Puntland.”Sida Dowlad Madax-bannaan Ayay U Dhaqmeen”

Heemaall

Dad loo Xir-xiray Muwaadin Somali ah Oo Lagu Dilay Hindiya.

Heemaall