Madaxweyne Farmaajo Oo Guddi U Magacaabay Xiisadda ka Taagan Beledweyne.




Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Guddi u magacaabay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne iyo shaqaaqadii uu ku geeriyooday Taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ayaa u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada federaalka Soomaaliya, kuwaa oo kala taabacsanaa Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Dabageed iyo Gudoomiyaha cusub ee la magacaabay.

Dagaalka waxaa ku dhintay dhoor qof uu ku jiray taliyihii qeybta booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan uu dagaalka kasoo gaaray saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada.

Guddiga Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay in ay soo baaraan dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac .

Waxaa la filayaa in guddigan baarista ee loo xil saaray ay gaaraan magaalada Baladweyne si ay halkaasi baaritaano uga bilaabaan, waxaana baaritaanada kadib kiiskaasi ka howlgali doona Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Magaalada Baladweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa xiisda ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, waxa ayna xiisada shalay isku badashay dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay.

©Wakaaladda Wararka Ee HNN
heemaalnews@gmail.com
La Wadaag Asaxaabtaada Maqaalkan

Noqo Qofkii Ugu Horeyey Ee Ka Faalooda

Ka Jawaab Celi

email-kaaga ma daabici doono.


*