Heemaal News Network

Madaxweyne Farmaajo Oo ka Digay Dhageysiga Shisheeyaha Ee Arimaha Somaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeedinayay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay shirarkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo heshiisyadii horay loogu garay.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland inay hor istaageen wax walba oo sahli karay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, isaga oo sheegay in waxyaabo badna uu uga tanaasulay labada Madaxweynaha.

Heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb iyo Villa Soomaaliya ayuu sheegay inay dhamaan ka horyimaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iy Puntland, sidoo kalena uu ka codsaday inay u so gudbiyan Gudiyada doorashooyinka balse ay diideen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u sheegay in Baarlamaanka waqtigooda uu dhamaaday, balse waajibadkooda qara ay yihiin kuwo weli gudanaya.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal buuxa oo go’amo gaari kara, loona baahan yahay in an la dhageysan waxa ay sheegayaan shisheeyaha.

Related posts

Somaliland Oo Sheegtay Inay Tahriibayaal Dawlada Somaliya Ka Soo Furatay Dalka Liibiya

Heemaall

Mid kamid ah Odayaashii Soo Xulay Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Dilay

Heemaal

Maxkamad Ayiday Xukun Lagu Riday Rag Qarxinayay Muhaajiriin Somali ah.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More