Heemaal News Network

Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Telfoon kula Hadlay Amiirka Qatar Sheekh Tamiin Al-Thaani

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula hadlay Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani, waxa ayna labada masuul kawada hadleyn arimo badan oo muhiim ah.

Farmaajo iyo Amiirka Qatar ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal u dhaxeeya iyo Xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, sida diyaar garowga doorashada iyo halka ay marayaan mashaariicda dowlada Qatar ka fulineyso gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Amiirka Qatar taageerada dowladiisa ay siiso Soomaaliya, waxa uuna sheegay Madaxweyne Farmaajo in Qatar ka rajeenayaan taageero iyo kaalmooyin kale oo wax ku ool ah.

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani ayaa dhankiisa balan qaaday in ay sii balaarin doonaan taageerada dhinacyada kala duwan ay siiyaan Soomaaliya, isla markaana ay xoojin doonaan xirirka labada dal.

Qatar ayaa kamid ah dowladha sida weyn u taageera dowlada Soomaaliya, waxaana Qatar kaalin weyn ku laheyd in Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo Farmaajo iyadoona mar kale dooneysa in Soomaaliya sii hogaamiyo Farmaajo.

Related posts

Madaxwayne Geele Oo ka Cabsi Qaba in Baarlamaanka Cusub ay kusoo Baxaan Xubno Al-Shabaab ah

Heemaall

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo si Rasmiya ah Xadhiga Uga Jaray Laab Lagu Baadhi Doono Biyaha.

Heemaall

Sacuudiga Oo Walaac Xoogan ka Muujiyay Daagaamaynta ay Bilowday Israel

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More