Heemaal News Network

Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In Dalka loo Jiheeyay Doorasho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka Dadban kaas oo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay si wadajir ah ku ansixiyeen 26-kii Sebteembar 2020.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saxiixa heshiiskan uu caddeyn buuxda u yahay sida ay uga go’an tahay Maamulka uu hoggaamiyo sii ambaqadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo qabsoomidda doorasho saldhigeedu yahay Heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen Madaxda Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed 17-kii Sebteemar 2020“

Waxaan dalka u jihaynay doorasho. Laga soo bilaabo 1-dii Bishii Oktoobar ee sanadkan oo aan la saxiixanay Madaxda Dowladda Goboleedyada dalka Heshiiskii Habraacyada doorashooyinka, waxaan qaadnay tallaabooyinka Heer Federaal ee ku aaddan qabsoomidda doorashada iyo dhaqan gelinta dhammaan qodobbada ku jira Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Baarlamaanka Federaalka.”

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda dardargelinta doorkeeda ku aaddan fududeynta qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskan ay ansixiyeen Baarlamaanku, kuna meel maray saxiixa Madaxweynaha.

Related posts

Oday Trump Oo Loo Quus Gooyey Gobolo Cusubna Looga Guulaystay, Qirashana U Dhow

Heemaal

Dad Badan Oo ku Dhintay Rabshado ka Socda Uganda Iyo Milatari la Wareegay Amaanka.

Heemaall

Muddo Kordhin Hor Leh Oo loo sameeyey Ciidamada Japan Ee ka Howl-gala Biyaha Somalia.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More