Heemaal News Network
somali

Madaxweyne Farmaajo Oo Shir la Leh Wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Teendhada Afisyooni shir kula leh Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhaxmara madaxweynaha iyo wakiilada caalamka ka jooga Soomaaliya kaddib markii uu Baarlamaanku meelmariyay dhawaan muddo kororsi labo sano ah.

Dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, UK, wadamada Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ka hor-yimid muddo kordhinta uu sameeyay Golaha Shacabka,

Hasse ahaatee madaxweyne Farmaajo ayaa qalinka ku duugay oo saxiixay sharcigan muddo kordhinta labada sano ah oo loogu magacaabo jiheynta doorashada.

Kulanka ayaa la sheegay in uu yahay mid ay dalbadeen Wakiilada Beesha Caalamka hasse ahaatee lama oga hoos ahaan waxaa ay ka wadda hadlayaan iyaga iyo madaxweynaha.

Related posts

Qarax Khasaaro Nafeed Gaystay Oo Goordhayd ka Dhacay Kismaayo.

Heemaall

Magaalooyinka Muqdisho iyo Konya Ee Turkiga Oo Xiriir Cusub Yeeshay.(Sawiro)

Heemaall

Telaviv Oo Caawa Gubaneysa Markii Ay Xamaas 130 Gantaal ku Garaacday.(Sawirro)

Heemaall