Heemaal News Network
Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Taliyaal Uu Xilka ka Qaaday Dani-ga Puntland. .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise,waxa uuna u magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale, Cabdixamiid ayaa waxaa dhawaan xilkii taliyaha booliska Nugaal ka qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Maxamed Dani, kaasoo horey u ahaa taliyihii ciidammada la dagaalanka argagixisada ee Puntland.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista tayada, tababarka iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhaqan galeysa laga bilaabo maanta oo Talaado ah 10-ka, Oktoobar 2019.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More