Madaxweyne Farmaajo Oo Waraaqaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Cusub Ee Dalka Belgium.(Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dalka Belgiumka u fadhin doona Soomaliya Nicolas Nihon.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warbixin kooban ka siiyay Safiirka cusub ee Belgium-ka u fadhin doona Soomaaliya xaaladda Dalka iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay xilligan saaxiibbo caawiya, Danjire Nicolas Nihon ayaa isna dhinaciisa muujiyay sida ay Dowladdiisu ugu hanweyn tahay inay garab istaagto Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud, ayaa sheegay in Belgeum-ka iyo Soomaaliya uu u dhexeeya xiriir iyo isfaham aad u fiican.wuxuuna ku tilmaamay horumar weyn oo ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

“Safiirka Belgium-ka Madaxweynaha wuu ka guddoomay warqadihiisii aqoonsiga ee Danjirenimo, taasina waxay muujinaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib ula soo noqonayso Safaaradaheedii dhammaan Adduunka ka jiray,waxaan is leeyahay wax yar oo fara ku tiris ah ayaa ka harsan Yurub iyaga waddada ayay kusoo jiraan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda.

Dhamaadka Bishan ayaa lagu wadaa in Dalka Belgeum-ka oo ay ku taalla xarunta Midowga Yurub uu marti geliyo shir Caalami ah oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

© Heemaal News Netwok