Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Suudaan Hassabo Abdel-Rahman ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay in uu hurinayay dad dibadbaxyo dhigayay oo kasoo horjeeday qiimaha rootiga dalkaas oo sare u kacay.
Dawlada ayaa xabsiga dhigtay xubno ka tirsanaan jiray dowladdii Cumar Al Bashiir, iyadoo todobaadkan horaantiisii ay sidoo kale xabsiga loo taxaabay 300 qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo ka dhacay guud ahaan waddanka Suudaan.
Xukuumada xaalad deg deg ah galisay afar gobol oo ka tirsan Suudaan, kadib markii sare u kac uu ku yimid qiimaha lagu kala iibsado rootiga, shidaalka iyo koronta la’aan saameysay dalkaas xilli dowladda kumeel gaarka ah ay la daalaa dhaceyso wax ka qabashada dhaqaale xumida.