Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku amray madaxda muslimiinta dalkiisa inay aqbalaan sharci loo bixiyey (Axdiga muhiimadda Jamhuuriyadda), kaasoo qeyb ka ah ololaha lagula dagaallamayo muslimiinta xagjirka ah.
Macron ayaa muddo 15 maalmood ah u qabtay Golaha Muslimiinta Faransiiska (CFCM) si ay ugu aqbalaan axdigaas.
Wuxuu axdigan dhigayaa in Islaamku uu yahay diin oo uusan ahayn dhaqdhaqaaq siyaasadeed, wuxuuna sidoo kale mamnuucayaa in faragalin shisheeye ay ku lug yeelato ururrada muslimiinta ah.
Go’aankan Macron ayaa daba socoday saddex weerar oo lagu tuhunsan yahay dad muslimiin ah oo Faransiiska ka dhacay muddo kooban gudaheed.
Macron ayaa si adag u difaacay mowqifka Faransiiska ee ku aaddan in la kala saaro diinta iyo siyaasadda kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen weerarro, uu ku jiro mid lagu gowracay macallin bishii lasoo dhaafay fasal dhexdiis kusoo bandhigay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxammad NNKH.
Arrintan ayaa timid markii madaxweyen Macron iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Gérald Darmanin, ayaa la kulmay siddeed ka mid ah hoggaamiyeyaasha muslimiinta ee ka tirsan ururka CFCM, kuwaasoo ay ku qaabileen qasriga Élysée.
Wadaaddada matalayay CFCM ayaa waxay aqbaleen in la dhiso Gole Qaran oo ka kooban Imaamyada. Golahaas ayaa aqoonsi siin doona Imaamyada, wuxuuna ku kormeeri doonaa khudbadaha ay jeediyaan, isagoo meesha ka saari doona wax kasta oo loo arko inay xanaf leeyihiin