Heemaal News Network
somali

Madaxweyne Qoor Qoor Oo Saxiixay Sharciyo Dhinaca Doorashada Galmudug ah.(Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay munaadabadda xiritaanka Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxweyne kuxigeenka Galmudug, gudoomiyaha Baarlamaanka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Galmudug, golaha wasiirada iyo xildhibaanada iyo marti sharaf kale.

Qoor Qoor oo munaasabadda xiritaanka kalfdahiga Baarlamaanka Galmudug hadal ka jeediyay ayaa ku ammaanay xildhibaanada shaqadii ay soo qabteen intii uu furnaa kalfadhiga shannaad, waxa uuna xusay in wali jiraan shaqooyin kale oo looga fadhiyo .

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sixiixay laba sharci oo kala ah Sharciga Xibsiyada iyo Sharciga Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxuuna madaxweynaha sheegay in Galmudug ay u tallaabsatay wadada dimoqraadiyadda, lana diiwaan galin doono xisbiyada.

Labadan sharci uu saxiixay madaxweynaha Galmudug ayaa quseeya doorashada maamulkaasi, waxaana saxiixan uu imaanayaa xilli baarlamaanka u sameeyeen Qoor Qoor muddo kororsi aysan raali ka aheyn siyaasiyiinta iyo beelaha dega Galmudug qaarkood.

Related posts

Halkuu Marayaa Shirkii Wadatashiga Ee Afasiyooni

Heemaal

Qadar Oo Qaraxii Baladwayne Cambaaraysay

Heemaall

Hooyada Dhashay Ikraan Tahliil Oo ka Digtay In Fahad Yaasiin Doorasho U Tago Baladwayne

Heemaall