Heemaal News Network
somali

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo la Kulmay Dhigiisa Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Mudane Sheekh Maxamed Binu Saayid.
Kulanka Labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka.

Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraatka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Related posts

Mareykanka iyo UK Oo Fariin Hanjabaad ah U Jeediyay Madaxda Somaliya.

Heemaall

Cumar Cabdirashiid Oo ka Hor-yimid Go’aanadii kasoo Baxay Golaha Wadatashiga.

Heemaall

Afhayeenka Kulmiye Oo Weeraray Gudoomiye Xirsi kana Hadlay Mar kale Arinta Ruqi

Heemaall