Heemaal News Network

Madaxweyne Qoor Qoor Oo soo Gaaray Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa caawa maqribkii soo gaaray magaalada Muqdisho.

Qoor-qoor ayaa qeyb-galaya shirka Madaxda dowlada Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee looga Hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iskugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada shir ka dhacaya Muqdisho oo mudnaanta lagu siinayo dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febraayo sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Shirka oo lagu waday inuu furmo shalay ayaan qabsoomin sababo la xiriira madaxda dowlad goboleedyada oo aan soo gaarin Muqdisho, iyadoo Laftagareen uu noqonayo madaxweynihii 3aad DG ee soo gaara Muqdisho.

Related posts

Somaliya Oo Iskaashi Cusub la Yeelanaysa Turkiga.

Heemaall

Gudiga Doorashoyinka S/land Oo Shaaciyay Wakhtiga Awdal Lagu Bilaabayo Kaar Bedelka Goobta.

Heemaall

Dagaalka Itoobiya kula Jirto Tigrey Oo ka Socda Xadka Eritrea.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More