Heemaal News Network

Madaxweynihii Afgembiga Iyo Dimuqraadiyada U Horswwday Ghana Oo Geeriyooday.

Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry John Rawlings ayaa ku geeriyooday isbitaalka ka dib muddo gaaban oo uu xannuusanaa, isagoo 73 sano jir ah sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya caasimadda dalkaas ee Accra.

Rawlings ayaa lagu xusuustaa in isagoo ka tirsan ciidammada cirka Ghana uu agaasimay laba afgembi sanaddii 1979 ka hor inta uusan xilka ku wareejinin dowlad rayid ah laba sano ka dib.

Wuxuu madax u ahaa kooxda milatariga ee dalka u horseeday doorashooyinka axsaabta badan sanaddii 1992 markaas oo madaxweyne loo doortay .

Jerry John Rawlings ayaa xilka ka dagay 2001 ka dib markii uu laba muddo xileed dalka maamulayay, waxaana dalka Ghana looga dhawaaqay baroordiiq qaran, iyadoo calanka dalkaas hoos loo dhigay.

Related posts

Toos U Daawo Ciyaarta Sool Iyo Dhaadmadheedh.

Heemaall

Dagaalka Itoobiya kula Jirto Tigrey Oo ka Socda Xadka Eritrea.

Heemaall

RW Rooble Oo la Kulmay Guddiga Doorashooyinka ay Qaadaceen Musharixiinta.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More