Heemaal News Network
Soomaaliya

Madaxweynihii Hore Ee Galmudug Oo la Kulmay Madaxweyne Geelaha Jabuuti.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka Madaxweynaha Jabuuti iyo Siyaasiga Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa looga hadlay arimo la xariira xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo mida gobolka iyo xiriirka qotada dheer ee labada dal.

”Waxaa sharaf weyn ii aheyd inaan maanta kulan qiimo leh la qaatay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, madaxweynaha oo ah oday Soomaaliyeed oo dadaal weyn ku bixiyey kuna bixiya dib u dhiska iyo dib u soo kabashada qarankii Soomaaliyeed, kulanku waxuu la xiriiray is xog-wareysi ku aadan arimaha Soomaaliya iyo arimaha gobalka.” ayuu yiri Mr guuleed.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa uga mahad celiyay dowlada Jabuuti dowrka walaaltinimo ee lama iloobaanka ah ee ay ka geestaan arimaha Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More