Heemaal News Network

Wafdi ku Wajahan Itoobiya Iyo Museveni Oo ka Noqday Baaq Nabadeed Oo Uu U Diray.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa u safrayaa dalka Itoobiya si uu isugu dayo in uu dhexdhexaadiyo dowladda dhexe iyo maamulka Tigray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Arrintani ayaa imaaneysaa kaddib markii madaxweynaha uganda Yoweri Museveni uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uu masaxay, kaasoo ku baaqayay in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka Tigray.

Museveni ayaa qoraalka Twitter-ka ku sheegay in dagaalka uu horseedi doono in dad badan ay dhintaan isla markaana uu curyaamiyo dhaqaalaha, balse masaxaada qoraaka ayaa la sheegay inay ka dambeeysay kaddib markii madaxwayne Museveni Uganda uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen.

Sidoo kale lamana ogo sababta dhabta ee qoraalka madaxweynaha looga saaray barta Twitter-ka, dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay baaq ahaa in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Abiy ayaa hore u sheegay in howlgalka militeri uu sii socon doono tan iyo kala danbeynta dib loogu soo celinayo gobolka.

Waxaa weli waqooyiga waddanka Itoobiya ka soconaya dagaalkii xoogganaa ee u dhaxeeyay ciidammada federaalka ee dalkaasi iyo kuwa daacadda u ah maamulka gobolka Tigray.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu dagaalkaasi sababay, hasayeeshee kumannaan kun oo qof ayaa colaaddaasi ka cararay.

Related posts

Prof Cabdi Samatar Oo ka Digay In Dagaal ka Dhasho Habka loo Maareynayo Doorashada

Heemaall

Shirkadaha ku Guulaystay Mashruuc Laga Hirgalinayo Somaliland Oo la Shaaciyay

Heemaall

Farmaajo Oo ka Hadlay Doorashadii M/Hirshabeele Ee Maanta ka Dhacday Jowhar

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More