Heemaal News Network
somali

Madaxwyne Farmaajo Oo Saaka Dalka Ku Soo Laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , oo safar hal maalin qaatay ugu maqnaa dalka Congo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa Isniintii wadahadallo kula yeeshay magaalada Kinshasa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Felix Tshisekedi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in waxyaabihii laga wada hadlay ay xooga saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ee ka dhexeeya labada dal iyo sidoo kale doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika (AU) uu ka ciyaaro horumarka Afrika.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka codsaday madaxweynaha Koongo in uu fududeeyo wadahadallo dhexmara Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ku kuwaas oo diidan muddo kordhinta loo sameeyay.

Related posts

Musharixiintii ka Kidhnayd Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Lasii Dayay.

Heemaall

Trump Oo kasoo Horjeestay sii Deynta Galka Canshuurihiisa

Heemaall

Xuseen Warsame: Xaq Looguma Laha IN La Yidhaahdo Ka Guur Villa Somaliaya

Heemaal