Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo saaka shir jar’aaid ku qabtay Dhuusamareeb ayaa faah faahin ka bixiyey shirka wada-tashiga ee ka socday magaaladaasi, laguna kala tegay.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay saameeyeen waxkasto oo tanaasul ah, balse uu ka hor yimid madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
“Waxaan isku deynay wax kasto tanaanul ah oo aan sameyn karo, waxaan soo jeedinay oo kale haddii ay sidan tahay bal arrinta doorashada in loo kaadiyo oo dib heshiisiin laga galo gobolka Gedo, ciidamadana ha la’isku dhafo.” ayuu yiri.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in si aad ah la’isugu qabtay arrinta Gedo, gaar ahaan maamulka degmada Garbahaarey oo ka mid ah meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
“Haddii ay Jubbaland magacaabeyso guddiga iyo odayaasha hasoo jeediyeen, haddii magacaabista Jubbaland ku lug leedahay ma’aqbalayo ayuu yiri madaxweynuhu,” ayuu markale ku yiri shirkiisa Jaraa’id Axmed Madoobe.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan soo magacaabi doonin guddiga doorashada ee Jubbaland illaa laga xalinayo arrintaasi, loona daaynayo maamulka Garbahaarey.
Madoobe ayaa ku eedeeyey in madaxweynuhu isku soo kooban hal degmo, islamarkaana uu ka tegay mas’uuliyaddii loo igmaday ee Qaranka.
“Haddaba sidee madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday seebuu Soomaaliya u xukumi karayaa haddii hal degmo uu sheegtay oo yiri anaa leh oo anaa kasoo jeeda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey.