Heemaal News Network

Magacyada Dad Uu ku Jiro Macalin Dugsi Quraan Oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Galgaduud.(Akhriso)

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in degaan ka tirsan Gobolkaas Galabta rag hubeysan ay ku dileen dad Shacab ah, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysnaa oo ku labisnaa dareeska ciidamada oo watay laba Gaari oo nooca dagaalka ah ay tageen Deegaanka Xirsi Lugeey oo ku yaal inta u dhaxeysa Guriceel & Balanballe balse u dhow degmada Balanballe ,iyaga oo rasaaseeyay dad ku sugnaa Guri ku yaalla degaankaas.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in goobta ay ku geriyoodeen Shan ruux halka laba kale uu dhaawac culus gaaray, isla markaana falkaasi uu la xiriiro aanooyin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray Gobolka Galgaduud.

Dadka weerarkaas ku dhintay ayaa waxaa kujira Macalin Dugsi Qur’aan, iyada oo dadka werarkaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud si halkaasi loogu daaweeyo.

Dadka weerarkaasi lagu dhintay ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay, Gaarane Xawil Samatar, Cabdi Xersi Carab Kaahiye, Cabdi yare Maxamed Ow Faarax, Cadawe Xersi lugeey, Ibnu Cali Dheere Xirsi Cawaale.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka aanooyinka qabiilka ah ayaa waayadaan kusoo kordhay degaannada Galmudug, iyada oo madaxweynaha Galmudug oo aheyd in uu wax ka qabto uu arrimo siyaasadeed u joogo Muqdisho.

Related posts

Itoobiya Oo Sheegtay Inay ku Raad-joogto hogaamiyayaashii TPLF.

Heemaall

Maxkamad Xukun ka khafiifisay Nin Masaajid Dad ku Laayay.

Heemaall

Dawlada Somaliya Oo War kasoo Saartay Qalad Halis ah Oo Lagu Arkay Manhajka Cusub

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More