Heemaal News Network

Magacyada iyo Sawirada Saraakiishii Galabta Lagu Laayey Galgaduud Oo la Shaaciyay

Waxaa galabta weerar lagu qaaday gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya xilli ay ku sii jeedeen degmada Balanballe oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kana baxeen degmada Guriceel.

Ciidamadaan oo ka tirsan xoogga dalka ayaa ka baxay Xerada tababarka Xoosh ee degmada Guriceel, maleeshiyaad hubeysan oo sida wararku sheegayaan ka soo jeeda degmada Guriceel ayaa dhexda u galay

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaas lagu dilay 6 sarkaal waxaana magacyadooda lagu kala sheegay.

1-Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf.

2-Gaashaanle Cabdi Guuna Guune

3- Laba Xidigle Faarax Jaamac Colaad

4- Kabtan Shariif Cirro Maxamed,

5-Gaashaanle Gaangul Xalane,

6- Kabtan Siciid Xassan Faleey

Sidoo kale waxaa jira Saraakiil Nolol iyo geeri intaba lagu la’ayahay, kuwaasoo Magacyadooda lagu sheegay.

1-Laba Xidigle Qalbi Indha tag,

2-Gaashaalne Cayrow Warsame Xassan iyo.

3 Kabtan Suldaan Dirir.

Saraakiisha & Ciidamada ka tirsanaa Millateriga Soomaaliya oo dhamaantood isku beel ahaa ayey wararka qaarkood sheegayaan in loo dilay falal la xiriira aanooyin qabiil oo waayadii dambe ka jiray beelaha dega Guriceel iyo Balanbale.

Madaxda Galmudug Saraakiisha qeybta 21aad ee Millateriga Soomaaliya & weli kama hadlin weerarkaas, waxaana ciidamadii ku dhintay la geeyay degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Hoos ka daawo sawirada qaar ka mid ah saraakiisha la laayey

Related posts

Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliya Oo Shaaciyay In La Dalacsiinayo Ciidankii Ka Dagaalamay Baladxaawo.

Heemaall

Itoobiya Oo Shaacisay Magacyada Xubno ka Tirsan TPLF Oo la Dilay, Qaarna la Qabtay

Heemaall

Mulkiilaha Wadani Oo Hadlay Qaabka Mushara Beelaha Gabooye Uga soo Baxayan Xisbiyada.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More