Heemaal News Network

Mahcadka Shareecada iyo Luuqada Carabiga Ee Ibnu-baas Oo Boorama Farac Ka Furtay.

Machadka barashada culuunta shareecada iyo luqada carabiga ee Imaam Ibnu Baaz ayaa xarun uu ka furtay Boorma maanta xadhiga laga jaray, waxana madashan daahfurka ah ka soo qayb galay salaadiin, culimaaudiin, aqoonyaho iyo masuuliyiin, waxana ugu horayn gudoomiyaha Machadka Ibnu Baaz faraciisa gobolka Awdal Sh Abdinasir maxamuud xuseen oo halkaasi ka sheegay in Machadku uu diyaar u yahay inuu soo saaro sharciyaqaano, caqiidadoodu dhisan tahay oo bulshada anfaca.

Gudoomiyaha guud ee Macaahida Ibnubaaz ee Somaliland Sh faysal yuusuf Elmi ayaa isaguna hadalka qaatay ayaa isaguna ka dhawaajiyay in macadku uu laamo ku leeyahay guud ahaan magaalooyinka Waawayn ee Somaliland, Boorama xaruntan ay ka furteena ay uga dan leeyihiin in barashada diinta ay bulshada u soo dhaweeyaan.

Culimaaudiinka boorama iyo Hargaysa, aqoonyahano, iyo odayaal madasha ka hadlay ayaa machadka Imaam Ibnu-baaz soo dhaweeyay, bulshadana ugu baaqay inay ka faaiidaytaan.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isagu xadhiga ka jaray machadkan ayaa guubaabiyay bulshada uguna baaqay inay soo gaadhaan, machadkan, waxana uu sidoo kale guul iyo iftiin lagaga baxo mugdiga ku tilmaamay Macdanka Imaam Abu-baaz

Agaasime waaxda waxbarashada Tooska ah ee Wasaarada Waxbarashada ee Gobolka Awdal Cabdi Siciid oo isaguna ka hadlay madasha ayaa sheegay in wasaaradu soo dhawaynayso machadka.

Maamulaha Machadkan Ibnu Baa zee Boorama Cabdirashiid Ibraahim Sh. Muuse oo bulshada la hadlay ayaa sheegay in machadku uu leeyahay manhay qoran oo si wanaagsan loo dhisay oo bahda wax baranaysa caawinaya, sidoo kale waxa uu tilmaamay in machadku uu furan yahay labada galin maalin walba, waxbarashaduna ay si toos ah u socoto.

Si kastaba ha ahaatee machadkan Imaam Ibnu-baas ayaa lagu baranayaa culuunta Shareecada oo lagaga qalinjabinayo mudo 2sano iyo badh ah, iyo sidoo kale barashada Luqada carabiga ooh al sano lagaga qalinjabinayo hadalkeeda, iyo qoraalkeedaba.

Machadkan ayaa ku yaala xaafadaha Bada Cas ee Boorama, waxana ay dhismaha xaruntu u dhaxaysaa Dhaqtarka Guud ee Boorama iyo Dugsiga Sare ee Al-aqsa.

Related posts

Abiy Ahmed Oo Dhiirigalin Usameyn Doono Ciidanka Dagaalka kula jira Tigreega

Heemaall

Xildhibaan Bukhaari Oo Iska Casilay Xubinimadii Golaha Wakiilada Somaliland

Heemaall

Booliska Jubbaland Oo Loogu Deeqay Gaadiid Dagaal.(Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More