Heemaal News Network

Malabsade Iyo Xaasaskiisii Beenta Ahaa Oo Lagu Xidhay Muqdisho.

Ciidammada booliska gobalka Banaadir ayaa soo qabtay wiil dhallinyaro ah oo loo garan ogyahay Malabsade, kaasi oo baraha bulshada kasoo muuqday isaga iyo saddex gabdhood oo sheegay in ay is xaaskiisa yihiin, islamarkaana ay ku nool yihiin hal guri.

Taliska qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir ayaa bixiyay amarka lagu soo qabtay wiilkaan iyo gabdhihii la sameeyay sheekada beenta ah, waxaana la sheegay in la baadhayo.

Mid ka mid ah Telefishinada Soomaalida ayaa baahiyay muuqaalka Malabsade oo sheegay been ah in uu qabo saddexda gabdhood islamarkaana ay ku nool laba qol, iyadoo saacado kadib baahinta warkaas ay been noqotay sheekadii.

Qaar kamid ah shacabka Soomaalida ayaa aad isu weydiiyay sababta keentay beenta ay sheegeen, hase yeeshee markale oo la wareestay waxay sababtu ku sheegeen inay rabeen in ay caan noqdaan.

Ma cadda tallaabada ay dowladdu ka qaadi doonto Malabsade iyo “xaasaskiisa” beenta ahaa.

Related posts

Shacabka Norwey Oo Si wada Jir Ah Ugu Gurmayday Qoys Lagu Xumeeyey Oslo

Heemaal

Midowga Musharixiinta Oo Safiirka Ingiriiska kala Hadlay Arrimaha Doorashooyinka.

Heemaall

Qarax Galaaftay Nolosha Dad Badan Oo Caawa ka Dhacay Muqdisho

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More