Maleeshiyo Beeleed Iyo Hubkoodii Oo Maanta Lagu Wareejiyay Galmudug.(Sawiro)

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmihii lasoo dhaafay socdaal ku marayay Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxa Magaalada Cabudwaaq kula wareegay Gadiid dagaal iyo Maleshiyaad.

Gadiidka Maanta lagu wareejiyay Madaxweynaha iyo Ciidanka waxay ka mid noqonayan Ciidamada Darwiishta Galmudug. Odayaasha iyo Saraakiisha mid kamid ah beelaha dega Galgaduud ayaa Madaxweyne ku-xigeenka u sheegay in maanta wixi ka dambeya ay gadiidkas ku wareejiyeen Galmudug.

Odayasha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in maalmaha soo socda ay wareejin doonan qaybta labaad ee gadiidkii ay lahaayeen, isla markaana haatan lagu wado dayaactir.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa Beesha uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen Galmudug waxaa uu sidoo kale ugu baqay Beelaha kale ee Waqayiga Galgaduud in ay iyagana soo wareejin qalabka ay hayaan.

Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in dhawaan wafdi ka socda Wasaaradda amniga Maamulka ay tegi doonaan Magaalada Cabudwaaq, kuwaasi oo uu tilmaamay inay la wareegi doonaan qeybta labaad ee gaadiidka iyo ragga maleeshiyaadka ahaa.

Sikastaba ha noqotee dhawaan ayay ahayd markii beelaha dega degaannada gobolada mudug & Galgaduud waxaa ay wasaaradda Amniga Galmudug ku wareejiyeen, Maleeshiyaad, hub iyo Gaadiid dagaal, kuwaas oo qaarkood loo tababaray kamid noqoshada Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy