Heemaal News Network
somali

Mali Oo Sii Daysay Madax Xidhxidhnayd

Ilo Milliteri oo ka tirsan Ciiddanka dalkaasi ayaa sheegay inay Xabsiga ka sii daayeen Madaxweynihii KMG ee dalka Maali, Bah N’Daw iyo Ra’iisul-Wasaare Mukhtaar Coon.

Labadaasi Mas’uul waxaa la xiray maalintii Isniinta ee Isbuucan, saacado kadib, markii ay magacaabeen Gole Cusub oo aysan ka muuqanin Labada Sarkaal ee ugu muhiimsnaa Hoggaamiyayaashii Milliteriga ee Afgembiga ku qabsaday Talada dalkaasi bishii August ee sanadkii hore.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynihii KMG ee dalka Mali, Bah N’Daw oo isku dhex casilay Xabsiga, halka uu xilkiina ka qaaday Ra’iisul-Wasaare Mukhtaar Coon oo isagana Warqadii Is-casilaadda saxiixay.

Gaashaanle Baaba Ciisa oo ah La-taliyaha Khaaska ee Kolonel Goyta ayaa sheegay inay Madaxweynaha iyo RW is-casileen iyadoo ay Markhaatiyayaal joogeen.

Waxa uu intaasi ku daray in Madaxweynaha iyo RW dib u heli doonaan Xorriyadooda Asaasiga.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay Kulan Khaas ah ka yeesheen Xaalladda dalka Mali, waxayna ku baaqeen in shuruud la’aan lagu sii daayo dhamaan Saraakiisha Dowladda ee xiran.

Related posts

Boolis Gacanta ku Dhigay Nin Doonayey Inuu Iibiyo Ilmo Yar Oo Uu Dhalay.(Sawiro)

Heemaall

Wasarada Caafimaadka Awdal Oo ka Digtay Faafka Covid 19 Oo Kordhay Iyo Saamaynta Roobka Curtay.

Heemaall

Beerta kobcinta Dhirta Iyo Dabiiciga Oo Somaliland Laga Hirgalinayo.

Heemaall