Heemaal News Network
cayaaraha

Manchester United Oo Guul Ka Gaadhay Burnley

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa soo gaabisay farqiga dhibcaha ay Manchester City hoggaanka horyaalka Premier League ku hayso oo ay ka dhigtay siddeed, kaddib guul dahabi ah oo Red Devils ay ka gaadhay Burnley oo ay waqti dambe ka boobtay saddexda dhibcood.

Manchester United oo garoonkeeda Old Trafford ku martigelisay Burnley ayaa ku badisay 3-1, waxaana guusha ku hoggaamiyey Mason Greenwood oo laba gool u dhaliyey iyo Edinson Cavani oo dhamaadkii ciyaarta shabaqa soo taabtay.

Bilowgii ciyaarta ayaa Manchester United lagaga naxsaday gool degdeg ah oo Burnley uu madax ugu dhaliyey laacibkeeda Wood, waxaase goolkan diidday VAR oo iclaamisay in uu laacibkani ku jiray offside ka hor intii aanu goolka dhalin.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaanay labada kooxood wax goolal ah kala dhalin, hase yeshee bilowga qaybta labaad ayuu Mason Greenwood gool u beddelay kubbad uu ka helay Marcus Rashford, waxaase laba daqiiqadood kaga jawaabay James Tarkowski oo ciyaarta ka dhigay barbarro 1-1.

Mason Greenwood ayaa ciyaarta oo ay lix daqiiqadood ka hadhsan tahay Manchester United u dhaliyey gool labaad oo ay hoggaanka ku qabtay, waxaana mid saddexaad ku daray Edinson Cavani daqiiqaddii 90+3.

Manchester United ayaa sii adkaysatay kaalinteeda labaad waxaanay toban dhibcood ka horreysaa Leicester City oo saddexaad fadhida balse ciyaari doonta Arbacada, waxaana ay siddeed dhibcood usoo jirsatay Manchester City oo hoggaanka ku haysa 74 dhibcood, halka United ay ka leedahay 66 dhibcood, laakiin City ayaa kulankeeda usbuucan dheeli doonta Arbacada.

Related posts

Juventus Oo Ku Guuleysatay Coppa Italia

Heemaal

Dawlada UK Oo Si Xoogleh Uga Soo Horjeesatay Horyaalka Cusub Ee European Super League

Heemaal

Natiijooyinka Cayaarahii Xalay Dhacay

Heemaal