Heemaal News Network

Manchester United Oo Ka Hadhay Tartanka Champions League Ee Sannadkan

Manchester United ayaa ka hadhay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, kaddib markii ay kooxda reer Germany ee RB Leipzig ay kaga badisay 3-2.

Manchester United ayaa lagala hormaray saddex gool oo daran-doorri ah, waxaase ay dagaallantay tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey oo ay Bruno Fernandes iyo Paul Pogba u dhaliyeen laba gool oo aan waxba tarin, balse laba daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen.

RB Leipzig iyo PSG ayaa kasoo baxay Group H, iyadoo waliba ay kooxda reer France ee Paris ciyaarteeda lagu hakiyey waqtigii nasashada kaddib cunsurnimo uu garsooraha afraad ee ciyaartu kula kacay tababare ku-xigeenka kooxda Istanbul Basaksehir, taas oo keentay inay ciyaartoydu garoonka ka dareeraan.

Manchester United ayaa waxay ka ciyaari doontaa tartanka Europa League xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah iyadoo xili ciyaareedkii horena semi-finalka timid oo ay Sevilla ku garaacday.

Related posts

Leon Spinks, Feedhyahankii Garaacay Maxamed Cali 1978dii Oo Geeryooday

Heemaal

Ronaldinho “Way Igu Adag Tahay In Aan Idhaahdo Messi Ayaa Ugu Fiican Kubbada Cagta”

Heemaal

Manchester United Oo Bogaba Javantus Kaga Badalanaysa Cristiano Ronaldo.

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More