Heemaal News Network
cayaaraha

Manchester United Oo Karbaashtay Tottenham Iskuna Fidisay Booska Labbaad

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Tottenham oo ay marti u ahayd, waxaanay kaga soo aargudatay khasaarihii bilowgii xilli ciyaareedka loogu geystay Old Trafford.

Manchester United oo gool lagala hormaray ayaa 3-1 ku garaacday Tottenham, waxaana dhamaan goolasha Red Devils ay yimaaddeen qaybtii dambe ee ciyaarta.

Son Heung-min daqiiqaddii 40aad ee ciyaarta gool ku aftaxay kulanka, iyadoo uu kubbad goolka loo hordhigay ku garaacay goolhaye Henderson, kaas oo yimid saddex daqiiqadood kaddib markii ay VAR meesha ka saartay gool ay Manchester United la hormartay.

Manchester United ayaa qaybtii dambe wacdaro dhigtay, waxaana goolka barbarraha u dhaliyey Fred daqiiqaddii 57aad iyadoo uu goolka ku celiyey kubbad uu soo tufay Hugo Lloris oo marka hore uu toogtay Edinson Cavani.

Goolka labaad ee Manchester United waxa madax iskula daadiyey Edinson Cavani oo ciyaarta oo dhan laf-dhuungashay ku ahaa Spurs, isla markaana saxeexay goolkii hore ee ay VAR diidday.

Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayay Manchester United goolka saddexaad ku niyad-jabisay Spurs, waxaana u dhaliyey Mason Greenwood oo beddel kusoo galay.

Kaddib natiijada ciyaartan, Manchester United ayaa soo yaraysay farqiga dhibcaha ay Man City hoggaanka ku hayso, waxaanay ka dhigtay 11 dhibcood, iyadoo sidoo kalena xoojisatay booskeeda kaalinta labaad ee horyaalka, waxaanay toddoba dhibcood ka horreysaa Leicester City oo saddexaad fadhida, maantana guul-darro xanuun badan kala kulantay West Ham United.

Related posts

Manchester City Oo 17 Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka Horyaalka Premier League

Heemaal

Kooxda Tottenham Oo Eriday Tababare Jose Mourinho

Heemaal

Real Madrid Oo Cashar Lama IloobaanAh U Dhigtay Liverpool

Heemaal