Manchester United ayaa u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ah ku garaaceen kooxda West Ham ciyaar 120 daqiiqo socotay oo ka dhacday garoonka Old Trafford.
Man United iyo iyo West Ham ayaa 90kii daqiiqo ee ciyaarta isku mari waayay barbaro goolal la’aan ah taasoo keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah la isla aado, iyadoo United ay goolka guusha ku dhalisay waqtiga dheeriga ah.
Scott McTominay ayaa qeybtii hore ee waqtiga dheeriga ahaa dhaliyay goolkii ay United ku xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareega 8da ee FA Cup iyagoo kula biiraya kooxda Bournemouth oo caawa 2-0 kaga badisay Burnley.
Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa guul fiican ka gaartay kooxda Getafe oo ay ku garaaceen 2-0 kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga oo ka dhacay garoonka Estadio Alfredo Di Stefano.
Labo gool oo ay lix daqiiqo gudaheed ku dhaliyeen Karim Benzema iyo Ferland Mendy ayay Los Blancos kaga takhalustay kooxda martida aheyd ee Getafe.
Natiijadaan ayaa ka caawisay Real Madrid inay ka sarre maraan Barcelona iyagoo soo galay kaalinta labaad ee La Liga, waxayna shan dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Atletico Madrid.